Kooxaha horyaalka Premier League ayaa shaaca laga qaaday aragtida ay ka qabaan in kooxda Manchester City lagu soo oogay boqol kiis oo ah inay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga ee FFP.
Shalay ayay ahayd markii maamulka Premier League uu xaqiijiyay dambiga ay u haystaan kooxda horyaalka difaacanaysa, tan iyo wakhtigaas ayay warbaahinta dunidu qormooyin kala duwan ka qoraysaa Sky Blues iyo waxa lagu ciqaab marin karo.

Warbixinta The Sun ayaa sheegaysa in kooxaha Premier League ay doonayaan inay City lagu ciqaabo in heerka labaad loo dhaadhiciyo oo horyaalka laga diro.
Intaas waxa dheer oo jamaahiirta kooxaha qaar ku doodayaan in laga xayuubiyo horyaalada ay City kusoo guuleysatay mudadaas oo la siiyo kooxaha kaalmaha labaad ku dhammaystay ee ugu soo dhawaa.
Tags
Ciyaaraha